well came to hanad home page

Hanad home Page | Hordhaca page | My photo Page | What's New Page | wlc my Page | Favorite Links | Taxane sheeko

Welcome to my online portfolio. DHOOF CAASHAQ IYO DHAXAL JACAYL Qaybtii 99-aad



Liibaan in qorshaha loo sheego oo fadhi casuumaad ah la sameeyo halkaasna la isku barto, wixii dhacayna la iska raali gareeyo ayaa hoosta laga wada xariiqay.

Go’aankaas markii la qaatay ayaa maalintii xigtay isla subixii uu waagu baryayba Maxamed Nasiib ku dheelmaday Suuqa Xoolaha oo Labo Neef oo ari ah ka soo iibiyey, kadibna inta qarash wixii lagu cuni lahaa labadaa neef u dhiibay Xaaskiisa & Hooyadiis Xaawo Eedan oo wadajira yiri “qado sharaf duco & is cafin ku jirto hala sameeyo, Culimo qur’aan inagu wada akhrisana Masjidka inoogu dhow halooga yeero, Hooyaday Ladan ayaan sii marayaa oo inay Duhurki inoo timaado u sheegayaa, anigana shaqada degdeg kaga soo laabanayaa”.

Dardaarankii Maxamed nasiib ayaa sida ay tahay loo qaatay oo howshii la guda galay, isagana inta Hooyadiisii rumaad ee Ladan uu maray ayuu ugu horeynba sidii uu u salaami jiray si ka duwan u salaamay, Labada gacmood & labada dhaban ayuu ka dhunkaday oo si wacan u marxabeeyay, Ayeydiis ayuu u sii gudbay oo iyana si xushmadi ku jirto u gacan qaaday, maadaama ay Duq Waayeel ahaydna “Maxamed, kheyr qabihii miyaa, ma Qadarkii naloo soo diray baa, wiilkeygi Liibaan oo dhurow” ayay ereyo uu ku laab qaboobay iyana ku tiri.

Hooyadiisi Ladan ayuu Lacag isku xiran inta siiyey “Lacagtan isla hadda Suuqa la aad oo dharka ugu bilicda qurxoon ku soo iibso, Shanta saac ayaa ku soo marayaa adigoo lebisan oo diyaar ah aan kuu imaado” iyadoon dhihi “maxaa jira & halkeen aadaynaa” ayay haye tiri.

Maxamed nasiib isla markiiba degmada Madiina oo Aabihiis deganaa ayuu beegsaday oo u sheegay inuu qorshe muhim ah ka leeyahay, “Haatan waxba kuuma sheegi karo ee fadhi qado ah ayaa jira ee waa inoo duhurkii” inta ku yiri ayuu shaqadiisii soo aaday, Ladana Suuqa Bacadlaha inta aaday ayay dhar aad u bilic qurxoon ka soo iibsatay, Xaawo Eedan & Xaaskii Maxamed Nasiibna qado ceeb astur ah diyaar gareynteeda galeen.

Sidii ballantu ahayd Maxamed Nasiib Shantii saac ee barqanimo ayuu shaqadii soo faaruqay oo Hooyadiis Ladan oo diyaar ah soo maray, gaarigiisii inta ku soo qaaday ayuu gurigiisii keenay. Ugu horeyn fadhigaa waxaa isugu yimid Maxamed & Xaaskiisa, Xaawo Eedan & Ladan, waxaana halkaa lagu heshiisiiyey Ladan & Xaaskii Maxamed Nasiib oo si sharaf leh heshiiskoodu u dhacay. Xaawo Eedan indhaheedu waxay ka jeesan waayeen Ladan, si dhab ah ayay u eegeysay, halka Ladan aysan arrintaas ku jirin, “Nacam wallee waa iyadii, Ladan waaye, wallee Adduunyo “Gabadhii aan u shaqeyn jiray ayaa maanta inoo shaqeynaysa….”

Waa socotaa.


JACAYLKII KADEEDNAA EE ABWAAN XASAN JACAYL


Qeybta 8aad



Markii Madasha gogosha la isugu yimid oo Odayaashii Xasan Jacayl dhankiisa ka socday ay soo gogol fariisteen ayaa inta aysan hadalka & ujeeddadii ay u socdeen daah furin isbedel aan la fileyni uu goobtii ka dhacay. Xaawo Sheekh Hooyadeed ayaa markiiba ciil cunaha buuxsamay waxay dhaayaha ku dhufatay Nin ka mid ahaa Adeeradii Xasan Jacayl oo gogosha fadhiya, waxay weydiisay waxa uu wiilka gabadha ka raba u yahay markaasuu yiri “Adeerkiis baan ahay”.

Adeerku wuu fahmay in cuqdad hore u dhex martay isaga & Hooyada gabadha ay doonista u yihiin ay ku soo maaxatay duqda, inkastoo isagu cuqdadaas uu iloobay haddana Duqdii ayaa gocotay oo bugtadii cuqdadaas damqatay, isla markiiba gabadheedii ayay qol gaar ah la gashay oo ku tiri “Xasan cawa arki meysid, maalinna arki meysid, ama isaga ayaad raaci ama aniga”.

Deeqo oo yaab Alle ku keenay, caqabaddii ugu weyneydna jacaylkeeda uu soo wajahay ayaa tiri “Hooyo sidey wax u jiraan bismillaahiye bal si degan wax iigu sheeg” “War nin adeer u ah Xasan ayaa hadda kahor I xumeeyay, marka ninkaas wiil uu adeer yahay heyhaati ayay ka tahay inaan ku siiyo ee anigaa Hooyadaa ah sida aan rabo yeel, meel kale oo kheyr qabta Alle hakuu sahlee”.

Deeqo maxay samayn kartaa tallaa faraheeda ka baxday, farxaddii daqiiqado kahor harreysay nafsadeeda & rajadii bidhaamaysay ee jacaylkeeda ayaa mar qura nalkii u shidnaa ka damay, gudcur mugdi ahna soo dhex fariisatay.

Iyadoo isla walaacsan oo nafteeda la sheekeysanaysa ayay Hooyadeed u soo gashay Odayaashii, “Eeddo adigaan kuu fadhinay, Odayaashii xaggiina ahaa ayaan rabnay maxaa dhacay maad na qiimeysid” ayay Odayaashii ku yiraahdeen, balse jawaab ay ku farxaan kama aysan helin oo waxay ku tiri “Guriga igaga baxa” su’aalo & dood baa la is weydaarsaday, sheekadii baa sii xumaatay, duqdii Bud bay la soo baxday Odaygii bay arki weysay, rabshadii baa sii bulaashay, gar & guur baa loo socdee, dagaal & dulmi baa meeshii ka dhacay, kabtay ma aragtaa ka dhacday oo waa lagu kala yaacay goobtii.

Meelba sida ay u taalo ayaa loola yaalaaye Deeqo markii ay aragtay Hooyadeed oo marada u duuban tahay iyana dhinaceeda ayay ka duubatay, {waa gar ma Hooyadeed bay dhibka ku eeganaysaa, inay la safato waa daw oo kuma qaldana, inkastoo loo baahnaa inay jacaylkeeda dib u eegto}.

La soco sheekada qeybaheeda dambe oo Xiiso gaar leh.




"What's New" section.
HAWEENKU MAXAY JECEL YIHIIN…!!?
Inkastoo waxyaabaha Dumarku jecel yihiin ay aad u fara badan yihiin oo qoraal kaliya aan lagu soo koobi karin, haddana ogow waxa raggu ay jecel yihiin ayay iyaguna jecel yihiin, balse waxyaabaha ugu muhimsan waxaa ka mid ah:-

=GUUR & DHAQAN DAACAD AH:-

“Waari meysid war hakaa haro” waa murtida loo cuskado qofka marka uu qaangaaro ee lagu guubaabinayo guurka, taasoo la macno ah “waad dhimanaysaa ee ilmo fir & farac adiga kugu abtirsada hakaa haraan oo magacaagu yuusan bi’in geeridaada kadib, sidoo kale waxaa jira murti guurka dumarka ku kooban oo oranaysa “gabar god hakaaga jirto ama guri raggeed” oo iyana la macno ah “gabar ha guursato ama ha iska dhimato intay guumeys baara noqon lahayd”.

Haddaba iyadoo arrimahaasi ay jiraan oo guurka sida muuqata lagama maarmaan yahay ayaa haddana Lamaanayaasha guurka ku kulmaya looga baahan yahay inay la yimaadaan dhaqan daacad ku salaysan.

Dumarka cudurkooda waa iyagoo la guursan waaya, ragga cudurkoodana waa baagamuudada marka maadaama dumarku Guur u baahan yihiin haddana iska guurso ma ahee dhaqan ayay u baahan yihiin.

Bal ka waran, wiilka inta gabar soo guursada oo Hooyadeed, Aabaheed, walaalaheed, aqribadeeda, asxaabteeda & deriskeeda ka soo dhex bixiya (ka soo wata) haddana baararka ku caweynaya iyaduna ay Cidlo joogto.

War Ina Raggow gabadha marka la